qisiyo waa yaab jacayl
qamuus lagu daalayee
qareeniyo looyar ma leh
cidaad ugu qayshatee
qalbiga ruux kale ku maqan
qof kale ma dawayn karee
qudhaydu aday rabta
inaad naf la qaybsatide
qasdiga caashaqa garoo
qurmiyo reer ila yagleel
waxaan kalgacayl qarshaba
haduun buu igu qarxee
qandhiyo nabarkiisa jaan
qabooji adaa shidee

qac iyo waa dareen cishqigu
qiyaas li,i kula kulmoo
qumati intuu ku dago
amarna aan qaadanine
halkuu qlabkana u sitana
marnaba kama quusatide
jeeroon macaan ku qaabilana
hiyigu ma qaboobayee
qorshaha hadafkayga garoo
qormiyo reer ila yagleel
waxaan kalgacayl qarshaba
haduun buu igu qarxee
qandhiyo nabarkiisa jaan
qabooji adaa shidee

Exit mobile version