hadaan qaliniyo waraaq
la galo qol madaw habeen
qalbigu wuxuu muhunayaa
inaan magacaaga qoro

inbadan waan qarinayee
anigu waan kugu qancoo
si guudbaan kugu qoroo
muduu kugu qaatayoo
qudhayda adaa xukuma

warkayguna waa qisee
waxaan qandaraasayaa
nolosha qaybaha hadhee
inaan qoys kula noqdiyo
miyaan u qlamaa xubiga

hadaan kula qaadan laa
nolosha kula qaybsan laa
qudhaada waxay rabtan
qumaati u yeeli u laa

dhankaagana waa qabyee
qaboo caashaqa daryeel
qiimee waxaan doonayoo
bal qabo aroos mugliyo
qorshee farxadaydan guud
qabyada noqotay

Exit mobile version