qumanoow waxaa tahay
ubax qaayo waynoo
qalbiga iyo laabtiyo
ku qotoma wadnahee
kuwa dhiiga qaadaan
qiyaastii waraabshaan
qudhaydaa ku jeceloo
kaa quusan maayee
qorme lagu badhaadhiyo
reeg lagu qabooiyo
aan qoys yagleelnee
geestaada ila qabo

quruumaha aduunyada
qaadirkeen ku uumay
adigaan ku qaayibay
qofna kulama simaye
qawlkaaga wacan baa
intaa qiima galiyee
guurkaad qorshaysaa
kula qaatay aniguye
qorme lagu badhaadhiyo
reeg lagu qabooiyo
aan qoys yagleelnee
geestaada ila qabo

Exit mobile version