Sidan kuugu nugulahay
Dhibta kuula necebahay
Iigumaa naxaysidee

Anoo adi ku naawilay
Oo noole kuu jecel
Niyad sami agjoogtee

Nasteexaad kadhigataa
Nabar ani igaareee

Adoo niyadda iga jaray
Jacaylkana nitaaqiyo
Naxliyo xumaan baday
Soo dookha nacaskii
Raja naawil ima oran

Haddii aan ku naasibay
Nafta adiga kuu huray
Inta nool ku aaminay

Nacayb sahal ku goormiyo
Nudub igama dhowrtidee
Waxaan sugi nasiibkeey

Nasteexaad kadhigata
Nabar ani igaareee

Adoo niyadda iga jaray
Jacaylkana nitaaqiyo
Naxliyo xumaan baday
Soo dookha nacaskii
Raja naawil ima oran

Exit mobile version