jacaylkan sanado badan
saadaalinaayee
nafta aan ku sabi jiray

waxaan sugoon aan dhawroo
igu samir adkaadoo
igu simay sidaan rabay
intuu saaka doogsaday
uu i saaray laan ubax

aniguba sidiibaan
sadku EEBE ii qoray
naftu sahan u tahay wali

xalaybaan saqdii dhexe
sawirkiisa la ii sudhay
samadaha dushaydee

markaan sare u laaceen
la isoo dhaweeyaa
qalbiga la ii sifeeyo
sakhradii jacaylkaa
surba la iga siibe

Exit mobile version