xoog qofaad u jeceshay
xalxalyada xareediyo
xays hoorimaadiyo
xubi aad wadaagtaan
waa xasaanad nololeed

xadantada curuuqdiyo
wuxuu xero ku leeyahay
xabadkiyo beerkiyo
xawlaad mareedka iyo
xinjiraha jidhkoo idil

xaragada jacaylkiyo
xayndaabka caashaqa
in xumaan ka talisiyo
xaasid lagama waayee
ka xijaaban keenuye
ka xidhxidho albaabada

waxa jira xaqiiqdiyo
xogta aan abaaree
waxaan helay xan badanoo
nacab soo xorxorayoo
in kastoonan xaalayn

xidhiidhkii dhexdeeniyo
xubigeena neceboo
xagal daacinaayee
xadhigaan u gooyee
adna xirsiga u adkee
xagal daacinaaye
xadhigaa ma gooyee
adna xirsiga u adkee

Exit mobile version