Adigaan ifka kuu jeclahay
Adigaan ku ilaashadaa
Adigaan kuu oomanahay adiga

2x

Kaliya adigaa ehel ii ohoo
Unugyada jidhkaan ku waraabiyaa
Adigaa oofaha jacayl u ah daawo oo
Aan ka maarmi karin adiga

2x

aniga adigaan dadka kuu jeclahay
aniga adigaan kuu ololayaa
aniga adigaan ku agjoogayaa
Oo agtaadabaa dugsi ii ahaaday

2x

Adigaa elelaha wadnaha
Adigaa aayar ootayoo
Adigaa ku eekaanaya

2x

Kaliya adigaa ilays ii ahoo
Aadmiga dhamaan sharaf ii gogloo
Adigaa oogta waaga beri
Ku il doogsada
Oonan dhaafi karin adiga

2x

Aniga adigaan dadka kuu jeclahay
Aniga adigaan kuu ololayaa
Aniga adigaan Ku agjoogayaa
Oo agtaadabaa dugsi ii ahaaday

2x

Exit mobile version