saskaan caashaqa ka qaaday
sadriga hayraacaybaa leh
qalbiga sal fudaydaybaa le
dareen sahashanaaya leh

yartaan sanyadeen jeclaaday
ala dunida uga seeganaaday
haday dhib igu samaysay

barashooy kaa soomay
ma ku sagootiyaaa

saluug hablahaa iga galay
dhagahaa sanqa raacay baale
indhahaa surad gaabshay baale
dookhaa calaf seegaybaale

midaan suntadeen ishaartay
caashaqa ku sexeexay maanka
haday si igu ahaatay

Exit mobile version