geenyadii dumarkaay
yaa garaado kuu tola
bilad gaara kuu xidha
ilayn waad gaydaaye

yaa garays xariiriyo
goono aan la arag
guudkaaga sudha
gacmaha ka luladaha

yaa guubaabo hees iyo
gaafkiyo ciyaaraha
gaar fiida kuutuma
yaa fartuuneey kuu galbiya

guulada fartuun
gobi gobi dhashatahay
gaman laga baxasha tahay
gurina lala dagad tahay

yaa goday kismaayiyo
garba haaray kula taga
gaaf kkina tuma
galmudug kusoo bara
galdogob kusoo bara

Exit mobile version