Dokhayga maankaa
Dareen jaceela laabta
Dooxoo waad ideqdee
X2

Dugsi dhaba oo aan
Dugashado dawaday-
Daay aan dabiibsado
X2

Day bal day jacelka
Daawo doogso
Indhaha ku dooji
Qalbiga aan dagee
Aan dagee xasili
Aan dagee macan
Qalbigana xasili
X2

Dunida maantiyo
Dahab xariiraay
Qurux ladaawado
Waan ku doortee
X2

Daryeel jira oon
Aan ku diirsado
Daacad ii noqo
Aan ku doogsado
X2

Day bal day jacelka
Daawo ku doogso
Indhaha ku dooji
Qalbiga aan dagee
Aan dagee xasili
Aan dagee macan
Qalbigana xasili
X2

Exit mobile version