jacaylku saariigo maaha
sir iyo dibindaabyo
sawiroo eeg eego maaha
dhib iyo saxariirna maaha

samadaa salsaloola maaha
san taago maaha kibir maaha
ku suuro nolosha maaha
sidaad doonayso maaha

sorry sorry jacaylku saas maaha
saxadoo la abaaro weeyi
sorry yartaa iska sunto maaha
samiro calafka sug weeyi

jacaylku safaadi maaha
sun iyo waabayo maaha
caloolyow la seexo maaha
silicooo u dulow maaha

waalidkaa uga soo go maaha
oontii uga soon maaha
sabati isku daldal maaha
samhariirta giigso maaha

Exit mobile version