holashada jacaylkiyo
hami iyo daren baa
igu kaa hagaayeee
hadii aanan ku jeclayn
had kastooo la joogiyo
habeen iyo dharaar
magacaagaan haboon
miyaan ku hadaaqi lahaa
hawlihii dhexdeeniyo
waanigan hubaashii
nafta kugu haleeyee
hareertaada caashaqa
hiirtaanyada ka dhawr

hibashada kalgacalkiyo
hilaw iyo xasuusbaa
igu kaa hogaanshee
hadii aanan ku tabayn
halashada i sidatee
hanaqaygan i dagtiyo
caashaqan i heeray
miyan isku hawli lahaa
hawlihii dhexdeeniyo
waanigan hubaaashi
naftan kugu haleyee
hareertaada caashaqa
hiirtaanyada ka dhawr

Exit mobile version