Anoo maansooyin doora
Intaa kuu mariyay heeso
Anoo muxibada kalgacal
Anoo magacaaga heedhe
Adiga mudan kuugu yeedha

Anoo maankayga galiyay
Inaad marwadayda noqoto
Adaa marinkii ka leexday

Meeqaamka jacaylkeena
Adaa milgihiisa lumiyoo
Anigu kuu miciini maaye
Mid kale doondoono huuno

Anoo muqdishiyo hargaysa
Anoo madashii togdheerba
Muuq dheer ilayn midab qurxoon le
Marlay miisaanta hadalka
Marnaba anigoon ka waayin

Anigu is mashquulin maayo
Naftayda muquunin maayo
Dhibaato muquuran maayo

Exit mobile version