Boholyowga caashaqee
Mudo badan la jiifee
Aan baxnaaninaayee
Basanbaaska igu riday
Boqoradaan jeclaayee
Basra jeeska ahaayde
Baladkay ku nooshiyi
Baladwayne maan tagin
Indho kuu busaylaa
Bildhaantaada doone
Bu'da araga hoosiyo
Boogtayda maad dhayi
Boqolaalka dumarkee
Barigaba ku noolee
Adaa bilic qurxooneey
Basarkaba wax dheeroo
Baxsantaan gacloodaay
Bartii uu hadraawi
Beer lula ku caashaqay
Buundadiina maan tagin