anoo nabad ku nagi ilayn nabar jacaylbaa
i naanaabinaayee nacas maan ahayn anigu
niyada waxaad ku haysiyo haba nuuxsan waayee
qalbigana ka naafee

nacabkaygii noqotayee waxaad naawilaysiyo
nabsigiyo ayaamuhu waan eegi doonaa
noocay ahaadaan

inagoo nolol wanaag naftoon adi ku siiyaa
waataad nitaaqiyo naxli igu abuurtee anigaa
nasteexo kaama sugayee nabaradii igaadhay
wali waan ka noolahay

Exit mobile version