dadkaba adiguu qalbigu
dawooy kaa soo xushoo
darmaan qurux lihiyooo
waxad tahay dumar uroon
adaan dunidaba dhamaan
nafalaha dunida kaa doonayo
dareenkaygaad degtooo
waxaad tahay door rageed
dulqaad adigaa helooo
dabciga alle kuu dhashee
dawooy kugu diirsadee
niyada daji kuu dayacan
nin iidaran kaba durkee
fariid daacadoo xumeyn
adaa deeqow aheee
cidkale ku doorsan maayo
darmaan dabci iyo wanaaglaay
kartina lagu daahayoo
dabuubsan ayaad tahee
naftaydana daadahee
deeqsi diin iyo aqoon
dadnimo lagu daahayoo
dabuubsan adaa ahoo
naftaydaa kuu ildaran
darmaan dabci iyo wanaaglaay
kartina lagu daahayoo
dabuubsan ayaad tahee
naftaydana daadahee
deeqsi diin iyo aqoon
dadnimo lagu daahayoo
dabuubsan adaa ahoo
naftaydaa kuu ildaran