Qumaneey quruxeey
Waxaad tahay
Marwo qiimo badanoo
Qudhaad ila wadaagtoo
Naftaa kugu qabawdee

Qalbigaygu kuma dago
Meel aanay qumaneey
Indhahaygu kaa qaban

Qoyskaan yagleelniyo
Nolosheena quruxda le
Qabyo inay ahaatiyo
Qalqalooca ka ilow
Qumaneey maankaay
Qalqalooca ka ogow

Qumaneey qaaliyeey
Waxaad tahay
Qurayshtii haweenkee
Qaaradaha aduunyada
Qiimo ugu saraysee

Exit mobile version