Cishqigan i taabtaa
Nafta iigu kaa tolay
Tiro ma le habeenkii
Intaan toosay awgaa
Yuusuf toosay awgaa

Anigana tabtaasuu
Caashaqu i turuqyoo
Toogada wadnaha iyo
Qalbigaad u tahay tiir

Toban laab naftaydaa
Kuu taagan adigoo
Taaladii jacaylka
Farxad aan ku taagnee
Ila qaad talaabada

Waa tabtaan filaayee
Oo aan ku taamee
Tabantaab naftaydoo
Taada aan xaq dhawree
Ila tiigso aayaha

Aroos taaba gala iyo
Ila toosi noloshee
Aan tabiyo guurkee
Maalin ii tusaalee

Tolkii aad ka dhalatiyo
Xigtadaan u tagiyoo
Tiri maalmaha oo qudha
Waa inoo talaadada

Exit mobile version