haduu dookhaygu raacay
hadaan raga kale ka doortay
mise ii diiri weyday
hadaad diga orgatey

haduu duufan i qaaday
hada tidhi wada lahaada
hadaanad dareemi wayday

adoo dusha iga arkaaya
inaan dibaha wareego
hadaanan u diloobayn

intaan dacar iyo wabay
dartaa raga kale uga doortay
hadaan seexan waayey

haduu dookhaygu raacay
hadaan raga kale ka doortay
hadaan duco iyo habaar
labadaba iigu diiday

haduu dareenka ku siissay
inaad dabinka iigu hayso
hadaanana daalin waayey

hadaan dayrtiyo gugii
kaliisha ka doorbidaysa
hadaad deeri lumisay

intaan dacar iyo wabay
dartaa raga kale uga doortay
hadaan seexan waayey

Exit mobile version