anoo ruuxayga iyo rubad tawkuuna u shuboo
naftuna kaa raali tahay ragana kaligaa ku jecel
rafiiq aan kaa dhigtoo riyad wehel iigu tahay
riyaaq iyo farac ku jiro aya waran igu ridee
halkii aan kula rabiyo rajadii noloshaa luntoo
jacaylkii wuu ribaday ragaad noqoy caashaqii
anoo rucub ubaxliyo reexaan kuusoo guroo
caleen qoyan kuusoo guroo caleen qoyan kuu ruxoo
runtii aan kula dhacay
inaan reer yeelaniyo rayiga guur iigu jiro ayaad i rafaadiso
adaa igu reebay nabar

Exit mobile version