urursan dhankastaba edaabsan
anshaxiyo xishood ku aadan
qof iimaanku celiyoo
akhlaaqda wanaagsaniyo
asluubta ku dhaadataa waa adiga

indho samaha jeceliyo
laab khayrku oon tiro adigaa le
afaan goyn xadkiisiyo
adin gaabanoo dhawrsan adigaa le

qofka ku ogolee kuu soo ordee
intaa iyo intaa ku ilaashadee
ILAAHAY dartii kuu jecel adiga
kuu jeceli waa aniga

aragsan dhanwalb isleegeey
hoygaad ku ababtaa amaanan
asturnaanta hooyaad ka keentee
ala qaalisanidaa heedhe adigu

inan aynigeedu asaageed
ku daydaan waa adiga
qofaan eed u waayoo
in xun laga dhawray waa adiga

Exit mobile version