mar haday ku dhaafen
maalmihii adkaa ku dhafrrn
igada mashquulkoo
waxa muujisa farax

wax kastoo ku somaray
xusuusta ka maydh
maskaxdana ilowsii

waa meerto duniduye
qofba waa markiisiye
ayaamaha wanaagsani
way kusoo marayaane

marba waa si waayuhu
mana xigo cid gaare
mid ogow nasiibkana
dadku waa u wada magane

waxa maanta waydaana
maankaaga ku hay
mar kale iyo baraad heli

waa meerto duniduye
qofba waa markiisiye
ayaamaha wanaagsani
way kusoo marayaane

Exit mobile version