soomaali karaamadeeda
kalsooni iyo wada jikeena
hadaan loo kuur galaynin
wadani dhiig lihi kacaynin
ciyaar lagu keeni maayo

si aan nabad ugu kifaaxno
kufkeen dunida u gaadhno
muwaadin ka qaado kaalin

haday kartidiyo aqoon
u koobnaato naftaada
kaskiyo aqligiyo xiskaaga
dadkaaga ku kaabi waydo
hiilbay nagu tahay naftaadu

dadbaa jecel kala tageena
inaan kala qaybsanaano
oo aan koox koox ahaano
waxay ku farxaan dhibteena

somaalaay qabiilka baas ka rayso
ka waantow sharaf dhiciiso ka leexoo
walaal kale kuuma joogo aduunka
adiga garabkaaga taagan

is kaalmaystoo is dhawrta
iskuna kaashada dantiina
jacaylkeenaa ka wayne
sooamaalaay kaca kaca
soomaalay kacoo midooba

Exit mobile version