haldhaa adigoo ah
haween karti dhaafay
dhigaa hablohoo dhan
adoo ka horeeya

haduu hanka dhaawac
oheey kaa gaadhay
niyada dhib haleeshay
haday ku damqayso
ha ooyine aamu
farxadaad u haraaday
hadaan ku waraaabine

ana huba maanta
wixii hore oo dhan
waxad ku hilmaami
jacaylka hadeere
ha ooyin aamu

hibasho tagi wayday
haday ku luraysay
haday huq ku gaadhay
ciil hore aad mudatay

anaa kuu heelan
anaa kuu hiilin
anaa kuu heegan
laabtana kugu haysan
ha ooyine aamu

Exit mobile version