hanaankii qaranimiyo
maantaan helnay dawlad dhaba

dadkaygii haraadanaa
hilaac waynbaa u baxay

rajadii luntaybaa la helay
hankii noolaa mar kale
halgankii shacabkaa hirgalay

haybadii umadani lahayd
haday soo noqotayoo
horaa loo soconaya waa la soconayaa
horaa loo soconayaa

hogaayi aaminoo
hamuun badan loo qabaa
ILAAH hada noo xuloo
ILAAH noo doorayoo
karaamuu huwanyee

horseed weeyi farmaajo
waa hogaanka dalkeena
waa halbawlaha wayne
ILAAHAY ha ilaasho

Exit mobile version