intaan kax ahaa
kulkiisa jacaylku
intuu kun i gaadhay
intaan ku tabaayay
dartaa kurbanaayay
kashaada xusuusta
miyaad ka tiraysay

intuu kaligay
lurkiisu i haystay
inta kolba heer
kasoo marayee
keenadu i sudhnayd
dhibkaan ku sugnaa
miyaad ka ladnayd

anaa kama oo
naftana kalifee
kalgacal eberaan
keebkuun u hayee
kaamaan filanayn
intaan ku jeclaa

intaan ku taraayay
nasiib badinaayay
jacaylka kabaayay
intaan korinaayay
ku soo tacab beelay
kaskaagiyo maanka
miyaad ka jaraysay

intaan kufeeyeen
mar aan kacayeey
inta kolba heer
kasoo marayee
keenadu i sudhnayd
dhibkaan ku sugnaa
miyaad ka ladnayd

Exit mobile version