Intuu qeyrkey dhaqmaayay
Intey laba guri dhiseysay
Intuu hadba gaaf dhacayay
Waxaan dib isugu dhigaayay
Guur suge samir laan ahaaye
Jaceyl dhoofaan sugaayay

Hadaan dhayal kaga tagaayo
Dhibaato inan maree
Waxaan ugu dhabar adegay
Dheeftiisa inaan helaayo

Maantey rajadii dhabowday
Guusheydi so dhawaatay
Waxaa dhiman uun aroose
Arini wey ii dhamaatay

Intaan cidlada dhelka jiifay
Intaan dhaxan weheshanayay
Intey ilma iga dhaceysay
Dhigeyguna oo farxaayay
Guur suge samir laan ahaaye
Jaceyl dhoofaan sugaayay

Haduu dhalanteed iyo beena
Waqtiba kuma dhumin lehyn
Waxaan ugu dhabar adeegay
Inaan dhaxalkiisa helo

Maantey rajadii dhabowday
Guusheydi so dhawaatay
Waxaa dhiman uun aroose
Arine wey ii dhamaatay.

Lyrics by: Abdi deeq

Exit mobile version