naf aan jecela tahoo
qof aad jira tahee
jidhka ku dareemaye
waxbaa kugu jira i jiita

jaleecada aan ku eego
judhaan dhaayaa ku saaro
la ii diid jeedsigii
garaaca wadnaha jibaarma
dhamaantay jidhiidhicooda
waxba kugu jira i jitaa

qalbiga adiga lajaaray
adaa jiibsaday bogayga
xubnaha kuu wada jawaaba
sidii janal kuu salaama
jagada ugu weyn naftayda
janoo adiga hayee

naflaan aan jantayba tahoo
jawiga adiga ii saxoo
dadkii la jeclaan jiray
dunida haniba ka joogta

jero kugu hamiyaaba
anigu jiif qabanyaana
caashaqa la jihaadayaaba
hamuuntiyo jeelka baahay
aduunba jari karayaa
waxba kugu jira i jiita

qalbiga adiga lajaaray
adaa jiibsaday bogayga
xubnaha kuu wada jawaaba
sidii janal kuu salaama
jagada ugu weyn naftayda
janoo hani adiga hayee

Exit mobile version