adaa mabda' ila wadaagay
nolosha meel ila istaagay
guushaydiyo midho dhalkeeda
adaan ka maqnaan dhankaaga

hadaanad garabkayga midig
adigu markastaba ahayn
waxaan noqon lahaa mid gaabsha
ee miyaan meel gaadhi laa

adaa magacayga kaaba
ku milan dhiigiyo jidhkayga
waxaad matashaa naftayde
ma tihid marwadayda qudha

markii warwar i haysto
amaba inyaroo walaaci
markaaba adaa dareema
dhibkiyo ani murugadayda

hadaadan magaceed jiryeey
mar walba ii hagar baxayn
kartina ii muujinayn
macaan ii hagar baxaynin
ala miyaan lib hawaysan laa

Exit mobile version