VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Soo gal laabtan - Lyrics

Maxaan aawada u golon golay Una goohayoon dartaa uga go,ay hurdiyo gamii Maxaa anba hawl I gaadhay Guyaal baan aamusnaaye Gubtaayada waan qabee intaa Gabashaan ahaa Gacanta laabtayda saar Wadnaha guuxiisa maqal Siduu adba kuu gariiro Ayuu ana gaw yidhaahda Maxaan kugu gaaf wareegay Gadaal iyo hore u laabtay Inteen guudka kaaga baaqay Maxaan gacalow I dareemi wayday Kun goor baan goostay sheego Ku disi aan is idhi codkaagee Waxaa ila hadhay go,aanka Geed buu igu xidhay Go,aanku Cabsina qof jacayl galaane Wixii gudbay way tageene Ha gocan hana soo xasuusan Qalbigan Gogolo kuu diyaarsan Soo gal laabtan kuu baahan Aynu guusha gaadhnee Goolal badan ma dhalinaa
Queue is empty
-- / --