wabigu biyobuu wadaa
waxbaa dul socdoonan garan
waqtigu wuu igu ciirsanyahay

wax hayntu way saacidaaye
ruuxii wanaaga Ku fali
miyaa la isuguba faana

waxaan waayo soo waday
jacaylku wehel iiga dhigay
wadaantaan wada sidniyo
wax beel waxba ma siiya iyo
wataa warmo la iila joogee

walaacu naf uu hadheeyay
wax li'i lagu dayrinaayo
waxyeelo laga dhawri waa

wehey fulaynimadu waa laba
waa mid aad u dhalatiyo
miduu cimrigu watee

Exit mobile version