VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xamdi bilan jacaylku ciraysan maayo - Lyrics

Ceeryaamadii dookha iyo Haasaawihiibaa curtoo Roobkii calafkaa da,oo Caddaan gudcurkii rogtee Hadmaynu is calafsanaa Hantiyo anigoo wax xoodaa Ku xidhin calmashada horeetoo Shuruudo cadbaan wataayee Ma tahay ruux cisayn yaqaan Haweenku haweenku ceeb ka madhan 2x Maahmaah caanaa ahayd Nin iyo naagtii col maaha Caaniyo nabadtoona maaha In kastoy tahay caado hore Anigu anigu ku cadaadin maayoo Armaad i carcaarisaa Hadhow i canaadisaa Caynkaan shalay kugu aqaan Meehee waji kuu cusbaa Gadaal kala caan baxdaa Gadaal kala caan baxdaa Maahmaah caanaa ahayd Nin iyo naagtii col maaha Caaniyo nabadtoona maaha In kastoy tahay caado hore Anigu xamdaay ku cadaadin maayoo Armaad i carcaarisaa Hadhow i canaadisaa Caynkaan shalay kugu aqaan Meehee waji kuu cusbaa Gadaal kala caan baxdaa Sakiyow kala caan baxdaa Caalwaa murankeena iyo Cadaadis ku saari maayo Dulqaad kaa caraabin maayo Cakuye ku dagaali maayo Kolnaba kolnaba ku canaanan maayo Hadaan ciishoodo maalin Saaxiib aan ciirsadiyo Aabiyo cudud ma ii ahaan Cidlada wehel ma iiga noqon Laxaadkay ciidashee I caawiya maad ahaan Sidii curub wali dhalaala Agtaada ka caagi maayo Sidii cadrad wali gayaana Codkada ka daali maayo Caruurteenoo caruur leh Caruurteenoo caruur leh Caweysyaan kula dalxiisi Marabo marabo marabo Marabo inaan ciilalyoobo Calaacalo oon cataabo Xiisuhu sida xeeli caaryow Xusuuso la caato liigo Oontiyo baadkana ka soomo Cimrigeenu haduu siyaado Jacaylku ciraysan maayo Haday da,i kula cuslaato Dareenku curyaami maayo Hayaankiyo caashaqeena Caantayn ka nusqaami maayo Caantayn ka nusqaami maayo Xamdaay ka nusqaami maayo Bilaneey ka nusqaami maayo
Queue is empty
-- / --