VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Xamdi bilan jacaylku ciraysan maayo mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Zakariye Kobciye
Xamdi bilan jacaylku ciraysan maayo

Ceeryaamadii dookha iyo
Haasaawihiibaa curtoo
Roobkii calafkaa da,oo
Caddaan gudcurkii rogtee
Hadmaynu is calafsanaa
Hantiyo anigoo wax xoodaa
Ku xidhin calmashada horeetoo
Shuruudo cadbaan wataayee
Ma tahay ruux cisayn yaqaan
Haweenku haweenku ceeb ka madhan
2x

Maahmaah caanaa ahayd
Nin iyo naagtii col maaha
Caaniyo nabadtoona maaha
In kastoy tahay caado hore
Anigu anigu ku cadaadin maayoo
Armaad i carcaarisaa
Hadhow i canaadisaa
Caynkaan shalay kugu aqaan
Meehee waji kuu cusbaa
Gadaal kala caan baxdaa
Gadaal kala caan baxdaa

Maahmaah caanaa ahayd
Nin iyo naagtii col maaha
Caaniyo nabadtoona maaha
In kastoy tahay caado hore
Anigu xamdaay ku cadaadin maayoo
Armaad i carcaarisaa
Hadhow i canaadisaa
Caynkaan shalay kugu aqaan
Meehee waji kuu cusbaa
Gadaal kala caan baxdaa
Sakiyow kala caan baxdaa

Caalwaa murankeena iyo
Cadaadis ku saari maayo
Dulqaad kaa caraabin maayo
Cakuye ku dagaali maayo
Kolnaba kolnaba ku canaanan maayo
Hadaan ciishoodo maalin
Saaxiib aan ciirsadiyo
Aabiyo cudud ma ii ahaan
Cidlada wehel ma iiga noqon
Laxaadkay ciidashee
I caawiya maad ahaan

Sidii curub wali dhalaala
Agtaada ka caagi maayo
Sidii cadrad wali gayaana
Codkada ka daali maayo
Caruurteenoo caruur leh
Caruurteenoo caruur leh
Caweysyaan kula dalxiisi
Marabo marabo marabo
Marabo inaan ciilalyoobo
Calaacalo oon cataabo
Xiisuhu sida xeeli caaryow
Xusuuso la caato liigo
Oontiyo baadkana ka soomo

Cimrigeenu haduu siyaado
Jacaylku ciraysan maayo
Haday da,i kula cuslaato
Dareenku curyaami maayo
Hayaankiyo caashaqeena
Caantayn ka nusqaami maayo
Caantayn ka nusqaami maayo
Xamdaay ka nusqaami maayo
Bilaneey ka nusqaami maayo

codkii Zakariye Kobciye