Xigtada noloshayda iyo
Xidigta aan naawilaa
Waxaan xal uraadiyaa
Qalbigan adi kugu xawilan
Qudhaa xiligii kastaba
Xusuustaaduun la noolee
Dareenkaan adi kugu xidhiyo
Xiskaa adi kugu lamaan
Sidaan adi kuugu xiiso
Cid kale uma xeeriyee
Xaqiiqso inaan ku doortay
Macaaneey inaan ku doortay xaqiiqso
Dadnimo taan ugu xushiyo
Xulkii dumarkee gobtaay
Waxaan xoodaamiyaa
Naftani kugu xeel baxdee
Xurmaan goortii kastaba
Xad dhaaf adi kuu hayaaye
Carfaha weedhaha cudoon
Ayaan kugu culaamaa

Exit mobile version