dadkaba laba beerkiyo
bogiyo laabta iska jecel
haday baryo kala lumaan
beriyo bad kala dagaan
calafka lama baajiyee
beriba waa kuwaa kulmee
caawaba adigoo badqaba
hadaan baxsaneey ku helay
badhaadhay aduunyadiyo
jacayl baashaan ka xigo
ha u baqan baylah inuu ku dhaco

ilayn cishqi waa bukaan
haduu baloo kaa dhigtee
siduu boga iigala baxay
barbaarta qoftaan lahaa
kolkuu igu soo baxaba
bariida la baal maree
caawaba adigoo badqaba
hadaan baxsaneey ku helay
badhaadhay aduunyadiyo
jacayl baashaan ka xigo
ha u baqan baylah inuu ku dhaco

Exit mobile version