nafta hamuuniyo
haraadbay kuu qabtaa
hiyigiyo laabtana
aduun baan kugu hayaayoo
habeeniyo dharaarbaa
adaan kugu hawaawiraa
aduunbaa ii ahoo
harsii iyo hoyaad
nafaad ii hurtaayoo
waad ii hagar baxdoo
hubaal adigaa i lee
hibooyeey haye haye isoo dheh

hawlaha aduun
waxaan kaa raba a
habsami ii dirtoo
hufnaan iigu adeegta
hibooy haraadkaad biisaa
hididiiladii naftaa tahoo
aduunbaa ii ahoo
harsii iyo hoyaad
naftaad ii hurtaa
waad ii hagarbaxdoo
hubaal adigaa i leee
hiboyeey hadaa isoo dheh
hibooyeey haye haye isoo dheh

Exit mobile version