Dadkii kala gadaal qarsada
Waxbaa ka dhex guxayee
Garbaan ku dhiganayaa…2X

Ugdoon kuna waa adigee
Gareex lama donayoo
Garoowso waxaan ku iri ….2X

Nin gob ah ood gacal tireen
Waliba gacalooy ku jecel
Adoon ku maqnen wax gar a’ah
In uu guriga oo cidla a’ah
Sidii gaalshire fadhiyay
Miyaanu garkaa laheen…2X

Dar darankii waad gaftee
Adoo fasax gaaban tagay
Maxaa gobla kaga xiran na
Ma geel baa kugu dhalay ..2X

(((BOGGA LABAAD)))

Adoon gurac iyo canan
Adoon gacan iyo dil qabin
Adoon gaajo iyo dhib arag…2X

Anoo guri ku sharaxay
Gasinkii ku dhax dhigay
Waliba gobanimo iyo sharaf…2X

Anoo guud kaga xiray
Waliba gacalooy ku jecel
Adoon ku maqnen wax gar a’h
In uu guriga oo cidla a’h
Sidii gaalshire fadhiyay
Miyaan gartaa laheen…2X

Dar darankii waad gaftee
Adoo fasax gaaban tagay
Maxaa gobla kaga xiran na
Ma geel baa kugu dhalay …..2X
Oo ma geel baa kugu dhalay…1X ))

Lyric by Dayran omar

Exit mobile version