Shimbiryahoo lurkaygiyo
Lahashada dareenoo
Lurka labada maqalkiyo
Laabta igu sii daa

Adigaa lamaanaha
Lakula dhaxjiro
Kala laalma baantee

Tii aan la’aantayd
ladi waayo oontoo
Warmo laygu dhiibay
Deeqsii lilaahida

Lalmi ubaxa caashaqa
Love baa ku daahanee
Halka Layla joogtiyo
London liibaane gaarsii
Aaan laama doodee

Shimbiryahoo lafdhabartiyo
intaanan gabin lixaadkoo
Lugaha socodka dayn
Layla waxaa tiraahdaa

Adigaa lubiga dagay
laasimay wadnahuu
Qalbigaa ka lulataa

Tii laabta mirataayee
Waa luxus aduunkuu
Albi Albi
Ha iloodin nacabkee
ka libqayso ha is oran

Lalmi ubaxa caashaqa
Love baa ku daahanee
Halka Layla joogtiyo
London liibaane gaarsii
Aaan laama doodee

Exit mobile version