dumar lama matalee muuqa day
indho deeqa weeyee qurux day
waa dabiibka laabtee kaalay day
waa darmaan la raadshee yarta day

kama daalayee midabkeeda day
dibnaheeda iyo dheeha saaran day
waa dugul madoobee ciradka day
waa dahaba la miiree qurayshta day

waan ku diirsade huuno kaalay day
daganida asluubtiyo xishoodka day
qalbigay dawaysee dheeman day
dulqaadkay u sidata haweenka day

dadba lama sinee nuurka day
waa dahab xariiree deeqsan day
way dajisay maankee kaalay day
waa dayax iftiimee yarta day

maba diidayee dabcigeega day
labiskeeda iyo laafyaheega day
timaheeda dheeriyo xidhoodka day
waa dirkii suleekhee edaabta day

Exit mobile version