hablo diin lahoo
dun xariiraba
dir u lenahee
gunti wacanidaa

ubax beerashiyo waa
waa doog indhaha
daymada u roonoo
waa daweeyeba

dunida hablaha
raga gaalkacyaa
lagu doorsin galine

hablo deeq u helay
dun badnaan asluub
baydhabo u daa

isha doojisoo
xubno dabacsanlay
baladweyn u daa

dila iyo barbara
dacarbudhuq hablaha
daanshoonayaa
loo daayay quruxe

dalal iyo hablaha
durdurada nugaal
ila dacalka bari
daw ugaagsana

darooriyo hablaha
dooliyo wardheer
waa lagu dagaa

dabci hodan salee
dayniila iyo
dalsan xamar u daa

hoobey hablaheenu
waa wada darmaan
dusha waa gowdaa
waa dadab janoo
waa ceel dadan
waana deeq illah

Exit mobile version