hanaankiyo haybadaadiyo
hubqaadkaaga i deeqoo
adaa qurux ugu horeeyaa

adaa hirashada dareenka
hilowgiyo baahidaada
hablaba uga hadhay dartaayoo
hantiyayoo maanka deeqdee

hamigu waa igu dhanyahee gacalo
hantida qalbigaay macaan
naftayda adaan kuu hibeeyoo
ha sii dayn hay axdiga

siday hooyadu dhasheeda
horaadka u siiso dhayda
adaa igu habay jacaylka

adaa hayinka xasuusta
qalbigu ku hilmaami waaye
hurdada uga go'ay dartaayo
hungoobay markaan ku waayay

Exit mobile version