filsan dharar qurxooneey
isku dhiig ayaan nahay
dad walalo dhaladoo
isku dhaataban nahay

saki dhaayahaygow
dhaliishaan wadaagnaa
dhawra diin islaamiyo
isku dhaqan ayaan nahay

RABIBAAN ku dhaartee
dhaawac adi ku gaadhiyo
dhibtaan kaa ilaashaa

aniguba dhankaaga
dhiig aan kuu huriyo
naftan kuu ag dhigolaha

muqdishoo dharaar ciid
dhulka uu camiranyahay
kismaayiyo dhul uduglaan
ku dhex gayn lahaa macaan

jabuuti dhinacyadeediyo
dhamalka hawdiyo
dhirtu ubaxa bixisaa
kugu soo dhawayn adi

Exit mobile version