Nimco maan dhaya
Marwadii xalaashe
Mawlahay isii yaay

Maalintaan ku helay
Meherkeenu dhacaybaan
Naftu kuu maqsuudoo
Marxabiyo gudoon idhi

Xaawalay markaan xulay
Midaan bilicda kula dhigo
Ama maamuus kula simo
Ii muuqan maysee
Waligaa mushkiladiyo
Murugiyo hamudan ciil

Nimco maan daweeyaay
Mudantaan ku faanee
Miisaan u dhalataay

Adigaa miligiyo sharaf
Iyo magacle maamuus
Macaan kuu hayaayo
Meel weyn igaga yaal

Xaawalay markaan xulay
Midaan bilicda kula dhigo
Ama maamuus kula simo
Ii muuqan maysee
Waligaa mushkiladiyo
murugiyo hamudan ciil

Exit mobile version