Qorqornaa ilwaad qoor taaganaa
Dhexdu qabasho iyo qoton toosanaa
Qumanidu dhaqaaq qoob dhigis samaa
Way iqaadatee qoftu dhaladsanaa

Indhihii qabtaa la qushuucsanaa
Kasha qaayibtaa qiiraysanaaa
QAADIRBAA simee yartu qanisanaa
Ala qurux saanaaoo qaabsamaa
Yarta qalanjadii qiimaysanaaa
Alla qaayo iyo qalbi xaadhanaa
Oo qawlsamiyo qosol fiicanaa

Qumanaa haldhaa oo qadafla'aa
Qayrkeed dhabtii qurux dhaafsana
Qaybteed xishood ku qiyaasanaa
Anigaa qiree qoftu fariidsanaa

Xurmiyo qadarin qaabayn ogaa
Qarib iyo xumaan ka qormaysanaa
Oo qabwaynidiyo quidhsiga necba

Exit mobile version