raamuxo tinteediyo
rasmaal la leeyiyo
siduu rayste ii yahay
caashaqan la i raray
riiqay beerkiyo
siduu yyahay rasaas cadaw
rubadiyo halbawlaha
boga iga haleelaa
iigu wacan rafaadkee
ana rokodka caashaqa
tiii igu ridaysiyo
raxma waxay ku nooshahay
raaso iyo dhul doogliyo
raaxo iyo barwaaqa ah
waa inaan ka raadsha

xaqii qoorogmadiyo
dhulkii roobku uu helay
rawaax yaa guflaha dara
ramayskiyo siman tahay
madheedhkana rakada sare
rucubtiyo caleentii
raacay i dhaafeen
reexxaanta udugiyo
riidhane ku ladhan yahy
rabigay ha daayee
meel ramadku dhalay iyo
raxma waxay ku nooshay
raaso iyo dhul doogliyo
raaxo iyo barwaaqa ah
waa inaan ka raadsha

Exit mobile version