Dhamaan waaxyahaygiiyoow
Dhuuxiyo wadnaha
Adigaa ku dhigan
Nafta kugu dhadhabaysa
Dhabtii kugu sabaayoo
Markii aan ku dheehdaa
Farxad ii dhamaataa
Dhubad qaadka sheekadana
Misna dhaadashada guud
Waan dhaabadeeyee
Sidaan kuugu dhololo
Ma iigu dhaadataayoo
Adiguna dhankaagii
Inaan layga soo dhicin
Dhaar ma ii maraysaa
Halbawlaha dhexdiisiyo
Dhiigiyo lafaha
Adigaa ku dhaqan
Shool ii hilaaciyo
Samo loo dhameeyow
Markaad ii dhawaaqdaa
Iiga dhigan aduunkee

Exit mobile version